Muxuu Xisbiga Himilo Qaran uga aamusay xiisada ka dhex aloosan Somalia & Kenya?

Iyadoo maalmahan xiisad diplomaasiyadeed oo meel adag mareysa ay ka dhex aloosan tahay dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa waxaa arintaas siyaabo kala duwan uga hadlayey qeybaha bulshada iyo axsaabta mucaaradka oo intooda badan taageeray jawaabta dowlada Somalia ka bixisay talaabada Kenya.

Dowlada Kenya ayaa Sabtidii soo saartay bayaan ay ku sheegtay in sahanka saliida ee dowlada Somalia ku soo bandhigtay shirkii London ay ku dartay dhul badeedka lagu muransan yahay balse dowlada Somalia ayaa si taxadar leh u beenisay arintaas, waxayna wax laga xumaado ku tilmaantay in safiirkeeda laga soo saaro Nairobi.

Ka sokow qeybaha bulshada waxaa xiisadan ka hadlay qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka oo ay ka mid yihiin Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo Xisbiga Midowga Nabada & horumarka ee gudoomiyaha uu ka yahay Xasan Shiikh Maxamuud.

Labada Xisbi iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ah ayaa si weyn u taageeray jawaabta dowlada Somalia ka bixisay talaabada ay qaaday Kenya, iyagoo sheegay in qaranimada iyo madax banaanida dhuleed ee Somalia ay tahay muqadas lama taabtaan ah.

Hase ahaatee waxaa jira xisbiyo saameyn ku leh dalka oo aan weli soo hadal qaadin aragtidooda ku wajahan xiisada Somalia iyo Kenya ka dhex aloosan, waxaana ka mid ah xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed oo illaa hadda ka aamusan sida ay wax u socdaan.

Lama oga weli sababta Shiikh shariif Shiikh Axmed uu uga aamusay khilaafka Kenya iyo Somalia, maadaama ay xiisadan taabaneyso arrin masiiri ah oo khuseysa difaaca qaranimada iyo madax banaanida dhuleed ee Somalia, iyadoo la ogyahay in dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa ay aheyd tii saxiixday heshiiskii lala galay Kenya  ee muranka lagu geliyey qeyb ka mid ah badda Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -