Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo albaabada iskugu dhufatay xaruntii Xisbiga Wadajir ee Magaalada Garoowe

Dowlad goboleedka Puntland ayaa albaabada u laabay xarun uu xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ka furtay magaalada Garowe.

Xaruntan oo la furay 31-kii Jannaayo 2019, ayaa maanta amar lagu bixiyey inuu sharci darro yahay oo la xiro.

Amarka lagu xiray xaruntan ayaa waxaa bixiyey Guddoomiyaha gobolka Nugaal C/salaan Xassan Xirsi (Gu’ jir) sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay.

Puntland ayaa ku doodaysa inaysan dooneyn inuu saameyn ku yeesho dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya dowlada federaalka iyo Xisbiyada ka jira Muqdisho.

Waxaa kale oo Puntland ay amar ku bixisay in xisbiyada ka dhisan Soomaaliya aysan xarumo ka furan karin degaannada Puntland, ka hor inta laga dhaqan gelinayo sharciyada arimahaas la xiriira, iyadoo dhinaca kale aysan jirin war arintan ku saabsan oo ka soo baxay Xisbiga Wadajir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ku baaqay in Wadahadal lala galo Al Shabaab

Cabdi Cade

Qaar ka mid ah dhaawacyada qaraxii Jowhar oo Muqdisho loo soo duuliyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Askar ka tirsaneyd Ciidanka NISA oo xukuno adag lagu riday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---