Mareykanka oo ka digay Weerar maanta ka dhaca Kabul iyo Taliban oo talaabo qaaday

Dowlada Mareykanka ayaa ka digtay weerar ismiidaamin ah oo maanta oo axad ah ka dhaca garoonka Diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul , waxaana lasoo saaray digniino laga bixiyay weerarkaasi.

War kasoo baxay Waaxda arrimaha dibadda ee dowlada Mareykanka ayaa looga digay muwaadiniintooda wali ku sugan Afgaanistaan inay si deg deg ah uga baxaan agagaarka garoonka diyaaradaha Kabul.

Weerarkan Mareykanka ka digay ayaa la sheegay in suurto gal tahay in galinka hore maanta oo Axad ah uu ka dhaco Garoonka Diyaaradaha Hamid Karzai iyo goobo kale oo ku dhaw dhaw.

Dagaalyahanada kooxda Taalibaan ayaa la galiyay heegan buuxa si ay uga hortagaan weerarkan laga digay, waxa ayna Taalibaan xireen wadooyinka soo gala garoonka Diyaaradaha Kabul iyaga oo kaliya fasaxaya gaadiidka ogolaanshaha heesta.

Weerar ismiidaamin ah oo khamiistii ka dhacay garoonka Diyaaradaha magaalada Kabul ayaa sababay dhimashada dad ka badan 100-qof ay ku jiraan askar Mareykan ah, waxaana weerarkaasi sheegtay kooxda Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -