Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo iska fogeysay masuuliyadda dilka loo geestay Rabbi Tsoi Kogan

Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta , waxaa lagu dilay wadaad yahuudi ah oo kunoolaa magaaladaasi, waxaana ciidamada dambi baarista ee dowladda Imaaraadka Carabta wadaan baaritaanno la xariira dilkaasi iyo cidda ka dambeysa.

Warbaahinta laga leeyahay Israa’il ayaa ku eedeysay dilka Imaaraadka loou geestay  Rabbi Tsoi Kogan, in ay ka dambeesay dowladda Iran, waxaa sidoo kale dilkaasi Iran ku tuhmaya  sirdoonka Israa’iil  iyo madaxda maamulka Yahuuda ee Israa’iil.

Safaarada Iran ku leedahay dalka Imaraadaka Carabta ayaa beenisay eedeynta la xariirta in Iran ka dambeesay dilka ninka yahuudiga ah, waxa ayna safaaradda warkaasi ku tilmaanta mid waxba kama jiraan oo loogu gafayo Iran.

Wadaadkan yahuudiga ahaa ee kunoolaa magaalada Dubai ee dalka Imaaradaka Carabta ayaa meydkiisa laga dhax helay gaarigiisa isaga oo la dilay, mana jiro ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa , marka laga reebo in Israa’iil ku tuhmayso Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka G/Banaadir oo ganaax ku soo rogay dadka aan qaadanin Af-xirka

Caydiid Ali

Ukraine oo Ruushka ku weerartay Gantaaladii loo fasaxay

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe iyo Masuuliyiin kale oi maanta ku lugeeyay xaafado katirsan Baledweyne (Sawirro,l

Cabdi Cade
Taboola Ads ---