Danjirihii Somalia u fadhiyey Kenya oo deg deg ugu soo laabtay Muqdisho

Danjirihii dowlada Somalia u fadhiyey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa goor dhow abaarihii 9:20 daqiiqo ka soo degay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Soo laabashada danjiraha ayaa ka dambeysay ka dib markii xalay dowlada Kenya ay ku amartay inuu dalkeeda isaga baxo, iyadoo dhinaca kale u yeeratay danjiraheedii ka joogay magaalada Muqdisho.

Kenya ayaa sheegtay iney talaabadan kaga jawaabeyso dowlada Soomaaliya oo shirkii magaalada London ku soo bandhigtay ceelal shidaal oo ku yaal dhulka xuduudda ee lagu muransan yahay.

Dayuurada keentay Danjire Tarsan ayaa waxaa la socday Wasiirka arrimaha dibeda Somalia danjire Axmed Ciise Cawad iyo Marwada Madaxweynaha Somalia oo labaduba transit ku ahaa magaalada Nairobi.

Danjiraha dowlada Kenya u fadhiyey magaalada Muqdisho ayaa isna lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo dalkiisa, mana jiro illaa hadda jawaab ku aadan go’aanka Kenya oo kasoo baxay dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -