Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Weeraro la sheegay iney fulin rabtay Al-Shabaab la fashiliyey (Daawo Sawirro)

War ka soo baxay Ciidamada PSF-ta Puntland ayey ku sheegeen iney fashiliyeen weerar Al-shabaab ay damacsaneyd iney ka fuliso gobolka Bari degaano ka mid ah.

Weerarada Al-shabaab ayey ciidamada PSF-tu sheegeen iney ku wajahnaayeen goobaha ay joogaan ciidamada maamulka Puntland.

“Ciidamada Amniga Puntland PSF ayaa fuliyey hawlgallo ay kaga hortagayaan argagixisada ku dhuumaalaysta Buuraha Cal-madow, gaar ahaan Buuraleyda Warbad iyo Gebidheer, kuwaasoo damacsanaa inay soo weeraraan goobaha ay ciidamada Puntland kaga sugan yihiin Buuraha Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ciidamada PSF-ta.

Faahfaahin lagama bixin qaabka looga hortagay weerarkan iyo haddii uu jiray iska horimaad dhacay intii uu socday howlgalkan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Feysal Cali Waraabe oo Xassan Shiikh ka dalbaday fulinta arrin la xiriirta Somaliland

Caydiid Ali

Ruushka oo shaki weyn ka muujiyey in kooxda Daacish ay fulisay weerarkii Moscow

Caydiid Ali

Rabshado ka dhacay Magaalada Jigjiga iyo rasaas laga maqlay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---