Koox hubeesan oo Hanjabaad culus hawada u marisay Dowlada Turkiga iyo Ciidankeeda

Ururka Taalibaan ayaa Talaadadii dowladda Turkey uga digay in ciidmadeedu ay sii joogaan dalka Afghanistan, iyagoo sheegay inay u arki doonaan ciidanka Turkey ‘kuwa xoog ku jooga’ isla markaana ay ku jihaadi doonaan.

Digniinta ayaa timid iyadoo ay socdaan dhaq dhaqaaqyo hor leh oo dagaal, kuwaas oo muujinaya in Taliban ay qorsheyneyso inay awood militari kula wareegto Afghanistan, taas oo kahor imaaneysa ballanqaadkoodii nabadeed, isla markaana sare u qaadaysa saan-saanta dagaal sokeeye.

Mareykanka ayaa weydiistay Turkiga in ay sugaan ammaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul, kaddib marka dhamaan ciidamada xulafada Mareykanka iyo NATO ay ka baxaan Afgahnistan dhamaadka bisha soo socota.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay Jimcihii isaga oo aan faahfaahin ka bixin in uu Washington kula heshiiyey qorshaha ku saabsan sida loo sugo amniga iyo maareynta garoonka diyaaradaha.
Hase yeeshee Taliban ayaa cambaareysay heshiiskaas, waxayna ka dalbadeen Turkiga inay dib u eegaan go’aankooda.

Bayaan ay Taalibaan soo saartay ayay ku sheegtay in ciidan kasta oo Afganistan ku hara ay u arki doonaan kuwa duullaan ku ah dalkooda, waxayna Turkey ugu digeen in xiriirka kala dhexeeya uu xumaan doonoo haddii ay sii joogaan.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar ayaa saxaafadda u sheegay kaddib shirkii golaha wasiirrada fiidnimadii Isniinta in Turkigu oggolaaday qaar ka mid ah qodobada ay ka wada hadleen dhiggiisa Mareykanka, kuwaas oo la xiriira maamulka garoonka diyaarahada, wuxuuna sheegay in wadahadallada heshiiska garoonka ay sii socon doonaan.

Amniga iyo habsami u socodka howlaha garoonka caalamiga ah ee Hamid Karzai ee caasimada Afghanistan ayaa muhiim u ah sii joogista wakiillada diblomaasiyadeed iyo ururada ajaanibta ah ee ka howlgala Kabul, halkaas oo qarax bam uu Talaadadii ku dilay ugu yaraan afar qof.

“Haddii garoonka diyaaradaha uusan shaqeyn, waa in waddamadu dib ugala laantaan Afganistan howlwadeenadooda diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Akar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -