Burundi oo weli diidan qorshaha ciidankeeda qeyb ka mid ah looga saarayo Somalia

Iyadoo qorshuhu yahay in kun askari oo ka mid ah Ciidanka Burundi ee ka tirsan Howlgalka AMISOM ay Soomaaliya ka baxaan 28-ka Bishan ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Burundi ay si toos uga soo horjeesatay qorshahaas.

Danjiraha Burundi u fadhiya Ethiopia Dieudonne Ndabarushimana  ayaa sheegay dowladdiisu ay Dood sax ah ka qabto in ciidankeeda ay  Soomaaliya ka baxaan.

Waxaa uu hadalkaan sheegay kadib markii Burundi loo doortay inay xubin ka noqoto Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa. Xubinnimadaan ayaa xukuumadda Bujumbura waxay u aragtaa inay ugu doodi karto kunkeeda askari inay howgalka AMISOM ka sii mid ahaadaan.

Burundi ayaa ku doodeysaa in ka bixitanka Soomaaliya ay u sinaadaan dhamaan Dalalka qaybta ka ah Howlgalka, balse aan lagu koobin Ciidankeeda oo kaliya.

Ciidanka Burundi ee jooga Soomaaliya lacag adag ayey soo galiyaan dalkooda, 18 million oo dollar ayey dowladoodu ka heshaa Midowga Africa Afartii biloodba, sida lagu daabacay Warbaahinta The East Africa.

Go’aanka lagu dhimayo ciidanka AMISOM ayaa yimid ka dib qaraar ka soo baxay Golaha amaanka ee Qaramadda Midoobay, Balse Dowladda Burundi ayaa u aragta in lagu ciqaabayo doorashadii uu mar sedexaad xafiiska ku qabtay Madaxweyne Pierre Nkurunziza.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -