Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mahdi Max’ed Guuleed & Wafdi uu horkacayo oo u ambabaxay dalka Sacuudiga (Sawirro)

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirada Maaliyadda iyo Xanaanada xoolaha ayaa maanta dalka Sacuudiga u u ambabaxay.

Safarkooda ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey ka dib casuumad rasmi ah oo ay ka heleen boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka warbixiyay qorshaha safarka ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Sacuudiga ay kala hadli doonaan arrimaha deyn Cafinta, kabka dhaqaalaha dalka, Dhoofinta Xoolaha iyo sidii acmaasha Xajka loogu fududeyn lahaa Mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Arrinta cafinta daynta lagu leeyahay dalka ayaa ka mid ah Tubta horumarinta dhaqaalaha ee lagu saleeyay shaqooyinka dawladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey London (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu Deni kala hadlay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC)?

Caydiid Ali

Labo qof oo maanta Koronto ku dishay Xaafad katirsan magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---