Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horey u soo noqday Wasiir heer federaal iyo Madaxweyne goboleed ayaa soo saaray War saxaafadeed uu uga hadlayo arrimaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya. Wuxuu si gaar ah uga hadlay isticmaalka ciidamada beelaha ee loo adeegsado sugidda amniga, isagoo yiri:
“Marka la fiiriyo tirada ciidamada ay dowladdu haysato, ma ahayn in loo baahdo ciidamo qabiil.”
Cabdikariin Xuseen Guuleed isagoo sii ambaqaadaya hadalkiisa ku wajahnaa xaaladda siyaasadeed, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, wuxuu yiri:
“Laga soo bilaabo ilaa dowladdii Carta lagu soo dhisay, dalka kama dhicin doorasho aan heshiis lagu ahayn, waana lagu wada qancay natiijooyinkii ka soo baxay doorashooyinkaas.” ayuu yiri Guuleed oo sidan hoose u qornaa War saxaafadeedka uu soo saaray.