Labo qof oo maanta Koronto ku dishay Xaafad katirsan magaalada Muqdisho

Labo wiil oo dhalinyaro ayaa maanta dhintay kadib markii Koronto ku qabatay xaafad katirsan Degmada Warta Nabada ee gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku heleyno labadan wiil oo da’dooda lagu kala sheegay 16-sano jir iyo 15 jir ayaa ku dhintay baalle korono oo ku qabsatay xili ay marayeen wado kutaala Warta Nabada.

Mid kamid ah dhalinyaradan ayaa dubra goobta ku dhintay halka mid kalana uu ku dhintay isbitaalka xili loo geeyay in noloshiisa la bad baadiyo.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya dilalka iyo dhibaatada kale ee geesato Korontada, mana jiro cid dhibaatooyinkan kala xisaabtameysa Shirkadaha Korontada ee ka shaqeeya Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -