Madaxweyne Trump oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey London (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Donald Trump ayaa saaka ka degay magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoo xalay ka duuley garoonka Milatariga ee Joint Base Andrews ee gobolka Meryland, duleedka magaalada Washington.

Trump ayaa la kumay boqorada Ingiriiska, waxaana loo riday 21 Madfac.

Socdaalka Trump ee UK oo ah kii labaad ayaa qaadan dona muddo saddex maalmood ah, isagoo la kulmi doona boqoradda dalkaasi Elizabeth II, wuxuuna ka kala qeyb geli doonaa xuska weyn ee loo sameynayo maalinta loo yaqaan D-Day, waxaan safarkiisa ku wehliya  dhammaan caruurtiisa iyo xaaskiisa danbe.

Donald Trump ayaa magaalada London looga arkaa madaxweyne cunsuri ah, wuxuuna saacado ka hor socdaalkiisa dagaal baraha bulshada ah ku qaaday Duqa London Sadiq Khan oo asalkiisu kasoo jeedo dalka Pakitan, Trump ayaa ku tilmaamay duqa London nin ku fashilmay hoggaamka London oo si aad u xun u maamula London, halka Sadiq Khan uu ku sheegay Trump inuu yahay cunsuriga ugu weyn dunida.

Amniga Madaxweyne Trump inta uu jooga dalka UK waxaa u xil saaran ciidamo gaaraya 20,000 askari oo isugu jira Booliska iyo ciidamada gaarka ah ee ka hortagga Argagixisada, waxaana ku baxaya inta uu joogo dalkaasi lacag dhan 18 Bilyan oo Geni oo ka badan 20 Bilyan oo Doolar.

Dadweynaha London ayaa qorsheynaya iney wadooyinka London ka dhigaan banaanbaxyo, iyagoo ka horjeeda madaxweyne Trump iyo socdaalkiisa, waxaana loo diyaariyey muuqaalladiisa oo laga dhigay Boombalo waaweyn oo hawo lagA buuxiyey, kuwaaso hawada loo diri doono inta ay socdaan bannanbaxyada.

Trump waxaa la socda boqolaal isugu jira ciidamo iyo shaqaale, wuxuuna wataa diyaarado kala duwan iyo gaadiid gaaraya 12 oo Mareykanka kala yimid, waxaana ku jira gaariga gaarka u ah ee qiimihiisu gaarayo 1.2 Million oo doolar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -