Gud. Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo u hanjabay dadka isticmaala baraha bulshada

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka G/banaadir Abshir Cumar C/llaahi ayaa u hanjabay dadka cabashada ka qaba cadaalad darrada ee ku faafiya baraha bulshada isagoo sheegay in tallaabo laga qaadi doono.

Isagoo ka hadlayey xaflad abaalmarin lagu guddoonsiiyey taliyeyaal ka tirsan Booliska G/banaadir ayuu sheegay in ciddii baraha bulshada ku faafisa dacwad ka socota Maxkamadaha dalka lagu soo oogi doono dacwad ciqaabeed lagu qaadi doono sababtii uu garsoorka wax uga sheegay.

“Ciddii ka dacwooto kiis ka socda Maxkamadda kiiskiisa waxaa ka hor mari doona in dacwad ciqaabeed lagu soo oogo isaga” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda rafcaanka G/Banaadir.

Baraha bulshada ayaa noqday halka ugu muhiimsan ee kiiska Garsoorka dowladda lagu soo bandhigo, waxaana dadka cabashadooda soo bandhiga ka mid ah dad tirsanaya cadaalad daro oo looga guuleystay dacwado ay qaadeen Maxkamadaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -