Taliyaha Ciidamada Uganda oo booqasho ku maray degaano ka tirsan K/Somalia (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka lugta ee dalka Uganda Lt. Peter Elwelu oo todobaadkaan booqasho ku yimid Soomaaliya ayaa booqday goobaha ciidanka Uganda ee Qeybta ka Howlgalka AMISOM ku sugan yihiin.

Lt. Gen. Elwelu ayaa maalintii khamiista ahayd oo taariikhda ku beegneyd February 14 booqday Ciidanka Uganda ee ku sugan magaalooyinka, Baraawe, Buulamareer, Qoryooley iyo degaanka Ceel Jaalle Marka oo dhammaantood ka tirsan qeybta koowaad (Sector One), kuwaasoo ku yaalo gobolka Shabeellaha hoose.

“Waxa ina quseeyo waxay tahay ineynu taageerno ciidankeenna qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee ku sugan halkan,” ayuu yiri Taliyaha ugu sareeya ee Ciidanka Uganda intii lagu guda jiray booqashadiisa Xerooyinka Militari.

Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Uganda Lt. Peter Elwelu ayaa ciidanka ku dhiira geliyay iney is difaacaan, isla markaana u shaqeeyaan si wadajir ah si ay uga gudbaan caqabadaha, isla markaana guulo u gaaraan.

Gen. Elwelu ayaa sidoo kale ku booriyay inay foogjignaadaan iyo iney si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, Lt. Gen. Elwelu ayaa la kulmay Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Ali Ibrahim mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka degmadaasi  iyo waxgaradka, isagoo kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa sugida amniga iyo waliba dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab isagoo maanta soo gabagabeeyay booqashadii uu ku yimid Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -