Dowladda Turkiga ayaa si weyn u kordhisay joogitaankeeda ciidan ee gudaha Soomaaliya, iyadoo halkaas u dirtay 500 askari oo cusub.
Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalka lagu xoojinayo ilaalinta dhismayaasha muhiimka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, sida dekedaha, iyadoo ay kordheen weerarada kooxda Al-Shabaab.
Sida ay tabisay warbaahinta Middle East Eye, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ciidamada cusub ee Turkiga si gaar ah u ilaalin doonaan hantida Turkiga ee Soomaaliya, isla markaana ay gacan ka geysan doonaan tababarka ciidamada Soomaaliyeed.
“Ciidamadu waxay la dagaalami doonaan Al-Shabaab oo kaliya marka ay khasab noqoto ama ay naftooda difaacayaan,” ayuu yiri sarkaal warbaahinta la hadlay.
Ciidamadan cusub oo ay ku jiraan 300 kommando iyo 200 kale oo ka qayb qaadan doona howlgalada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone), waxaana turkiga horey Somalia uga joogay askar boqolaal gaareysa.
Waxaa ciidankan cusub hogaaminaya diyaaradda casriga ah ee Akinci, taasoo ay samaysay shirkadda Turkiga ee Baykar. Akinci ayaa ka awood badan Bayraktar-ka ay hadda isticmaalaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo awood u leh inay 24 saacadood hawada ku jirto oo ay aragto xitaa habeenkii.
Khubaradu waxay tilmaameen in teknoolojiyaddan cusub ay muhiim u tahay weerarada habeenkii ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
Kordhinta joogitaanka ciidan ee Turkiga ayaa lagu macneeyey mid lagu doonayo in lagu xoojiyo nabadgelyada, horumarka iyo iskaashiga milatari ee u dhexeeya labada dal.