Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Golaha Wakiilada Puntland oo go’aan ka gaaray Wasiiro la horkeenay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta horgeeyey Golihiisa cusub ee Wasiirada Golaha Wakiillada ee Maamul Goboleedka Puntland oo ku gudajira hawl-maalmeedkooda shaqo ee kal-fadhiga 43-aad fadhigiisa 19-aad.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Golaha Wakiillada Puntland ka codsadey inay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub ee Puntland, waxa uuna Madaxweynuhu xusay in Wasiirada cusub lagu soo xulay aqoon, karti iyo waaya aragnimo.

Kulanka Golaha Wakiilada maamulka Puntland waxaa soo xaadiray 63-Xildhibaan, waxaana codka loo qaaday ansixinta golaha Wasiirada Puntland dhamaan qaab gacan taag ah ku ansixiyay 63-da Xildhibaan ee kulanka soo xaadiray.

Golaha Cusub ee Wasiirada ayaa si buuxda u helay codka kalsoonida ee Baarlamanaka Puntland, waxaana la filayaa in golaha Wasiirada si rasmi ah xilalka ugala wareegaan Wasiiradii hore ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo khudbad u jeediyay Xildhbaanada ayaa sheegay in xukuumadda cusub ay ka mira dhalindoonaan balanqaadyadii uu u sameeyey shacabka Puntland xiligii ololaha doorashada.

Waxa uu xusay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi inuu dib u habayn mugleh ku samayndoonaa Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha, Siyasadda iyo arrimaha bulshada.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale balanqaaday in si baaxadle xukuumadda Puntland wax uga qabandoonto arrimaha Amniga, hirgelinta isbedel siyaasadeed iyo tayaynta hay’addaha dowladda , Dib u habaynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha, tayaynta adeegyada Bulshada, arrimaha garsoorka, daryeelka degaanka, horumarinta arrimaha dhalinyarada iyo arrimaha haweenka.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Iran & Wararkii ugu dambeeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Doorasho qof iyo cod ah halista ugu weyn ee ay leedahay waxay tahay..”

Caydiid Ali

Khilaafka Doorashada ee u dhaxeeya Musharaxiinta iyo Villa Somalia oo Waji kale yeeshay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---