Go’aano Adag oo laga soo saaray Shirkii Taliyeyaasha AMISOM u socday (Daawo Sawirro)

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay shir xasaasi ah oo mudo shan ciso u socday Taliyayaasha sare ee ciidamada AMISOM, saraakiisha Milatariga Soomaaliya, Wakiilo ka socday Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika .

Shirkan ayaa intii socday looga doodayay qorshayaal kala duwan oo lasoo bandhigay oo ku aadanaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo wali awood xoogan ku leh qaar kamid ah gobolada dalka.

Waxaa shirka laga soo saaray go’aano adag oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa ayna saraakiisha shirka yeelatay isku raaceyn in la sameeyo howlgalo adag oo lagu wiiqayo awooda Al Shabaab.

Saraakiisha shirka ku yeelatay magaalada Muqdisho ayaa isku raacay in weeraro xoogan oon kala joogsi laheyn lagu qaado goobaha ay Al Shabaab kasoo abaabulaan weerarada ka dhanka ah ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM.

Waxa ay sidoo kale isku raaceen taliyaasha shiray dib-u-qaabaynta qaar ka mid ah Saldhigyadda Hawlgalladda ee Aagga hore si loo hubiyo badbaadinta xaruumaha ay dadka ku badan yihiin.

Go’aanada kale ee kasoo baxay shirka ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa kamid ahaa in amniga xarumaha muhiimka ah ee Muqdisho lagu wareejiyo ciidanka dowladda iyo in sidoo kale  In la dar dar geliyo qorshaha dhimista Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya jooga

Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM, Jeneral Tigaabu Yilma Wondimhunegn ayaa sheegay in muhiim tahay in la dhaqan galiyo qodobada shirka kasoo baxay, waxa uuna ku baaqay in si weyn looga qeyb galo sidii Xal kama dambays ah loogu heli lahaa dhibaatooyinka jira.

Waxa uu sidoo kale Taliyaha AMISOM sheegay in wada shaqeyn dhaw yeelan doonaan Ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si uu u guuleesto howlgalka wadajirka ah ee ka dhanka kooxda Al Shabaab.

Shirkan ay Muqdisho ku yeesheen Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay wax badan laga bedelo sidii ay u dhici jireen howlgalada iyo weerarada ka dhanka ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -