Faah faahino kasoo baxaya dil goordhaw ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybta Cabdalla Shideeyaha waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu kamid ahaa dadka suuqaasi ka shaqeysta.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dhalinyaro hubeesan ay toogteen nin Suuqa Bakaaraha ku lahaa goob lagu sameeyo Makiinadaha Cabitaanka lagu shiido, waxaana dilka kadib goobtaasi ka baxsaday ragii dilkaasi geestay.

Lama oga wali sababta loo dilay ninkan kamid ahaa dadka ka shaqeysta Suuqa Bakaaraha , mana jirto ilaa hada cid ka hadashay dilkan ama sheegatay masuuliyada dilka loo geestay ninkan shacabka ahaa .

Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa si joogto ah waxaa uga dhaca dilal loo geesto ganacsato iyo dad kale oo shacab ah, waxaana Suuqa Bakaaraha kamid yahay goobaha ugu badan ay ka dhacaan dilalka qorsheesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -