Saciid Ciise: “Doorasho qof iyo cod ah halista ugu weyn ee ay leedahay waxay tahay..”

Doorasho qof iyo coda halista ugu weyn oo ay leedahay waxey tahay natiijada codbixinta oo la musuq maasuqo, taas oo si xoogga ugu dhacda in codad beenabuura lagu shubto sanduuqyada codbixinta, waxeyna dhacdadaas sababtaa in tirokoobkii la sameeyey wax boqol jeer ka badan ay ka soo baxaan codadka sanduuqyada la boobay, ama taas bedelkeed ay dhacdo in la gaaro heshiisyo siyaasiyiinta wax boobaya u saamaxaya inaan si dhaba loo tirin codadka, balse ay dhacdo qiyas mala-awaala in laga soo saaro natiijada codbixinta degmooyinka sida gaarka ah ugu xiran musharixiin gaara.

Koofurta Soomaaliya waxaa si dhaba u gumeystey Talyaaniga oo si buuxda maamulkooda gacanta ugu hayey, waxeyna mar kasta helayeen tirakoobyada dadka ku nool degaanadooda, maxaa yeelay intooda badan waxey ahaayeen kuwo ku negaadan tuulooyinka ay ku yaalaan beerahoodu, waxeyse nasiib xumadooda ugu weyn oo haysatey ay ahayd in tayada aqoonta dadka intiisa badan ay ka liidatey fahamka dowladnimada, taas oo ay sababtay barwaaqada dhulka oo aysan dadku baahi badan u qabin maamul dowladeed, iyo xukunkii gumeysiga Talyaaniga oo ay kala kulmeen in dad badan uga dhinteen sida 6 kun oo hal maalin uga dhimatay qodidii keliga Asayle ee deegaanka Janaale laga hirgelinayey.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda koofurta Soomaaliya waxaa dhamaantood ku beeran cuqdo salka ku heysa in Soomaalida reer guuraaga ah siyaasiyiintooda ay isku koobeen dowladda, iyaguna ay ka helaan dowladda saami quureed, waxeyna mar kasta ku calaacalaan in doorkooda siyaasadeed uu meesha ka maqan yahay, waxeyna xeelad yaboohsiya ku raadsadaan iney awooda dowladda hadiyad ahaan qeyb ugu helaan, kadib marka ay heshiis naxariis leh ay la galaan madaxda markaas heysata awooda dalka.

Bartamaha Soomaaliya sooma gaarin xukunkii gumeystaha Talyaaniga iyo kii Ingriiska marka laga reebo ciidamo ay ka qortaan dhalinyarada deegaanadaas, waxaana jirtey in Talyaaniga uu magaalooyin kooban ka sameystay xaruumo ciidan oo uu ku qortay 60 kun oo ahaa ciidankii uu ku galay dagaalkii uu ku qabsaday Itobiya 1935, kuwaas oo intooda badan ku dhintay dagaalkaas, waxeyna la dhaqanka Talyaaniga iyo Ingriiska oo wada shaqeynta kala dhexeeysey ay salka ku haysey maamul ciidan iyo mid dhaqaale oo u suurto geliyey iney ka barteen aqoon  siyaasadeed, taas oo dhalisay in dadka indheer garadka u ahaa deegaanadaas ay fahamsanaayeen waxtarka awooda dowladda iyo wanaaga gobonimada ay 100% si xor ah ay ugu noolayeen dhulkooda gumeysi la’aanta, waxey taasi dhalisay in deegaanadaas ay ka dhacdo in awooda xukunka dowladda lagu soo galo qaab ku dhisan xoog iyo xoolo in loogtu adeegsado sidii loogu soo boobi lahhaa  kuraasta loo qoondeeyey doorashooyinka degmooyinkooda, sidaasna ay siyaasiyiintaas dowladda ku soo galaan iyagoo wata kuraas dhiig leh.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Bartamaha Soomaaliya marka kuraasta laga soo boobay iskuma mashquuliyaan calaacal iyo cabasho iney dhibaneyaal ahaan ay beerlaxawsi ugu cabtaan madaxda dowladda oo ah kuwii kuraastooda soo boobtay, balse xaaladu marka ay halkaas mareyso waxey awood bidaan iney xoog iyo dagaal kala hor yimadaan xukuumada dowladda, waxaana xusid mudan murugadii ka dhalatay boobkii doorashada ka dhacday Dhusamareb 1964, waxeyna taas ay sabab u noqotay curashada gadood jabhadeed oo la baxay Kofiyo Dhuub, waxeyna halkaas ay dowladdu ugu geysatey xasuuq shacab rayida oo dhan 3 kun oo degenaa tuulooyinka lagu baabi’iyey, iyagoo markaas heybtooda lala xiriirinayey jabhadda.

Siyaasiyiinta Baydhabo iyo kuwa Dhusamareeb ka soo kala jeeda waxaa caado u ahayd in kurasta ka maqan ku soo kala ceshenayeen labo siyaasadood oo uusan midna sax ahayn, waxeyna kala ahayeen in siyaasiyiinta reer Baydhabo ay adeegsadaan qaab ay ku dheehan tahay siyaasad ay ku muujinayaan iney dhibane ku yihiin oo ay beerlaxawsi ku dhisan yaboohsi ay madaxda dowladda uga dalbanayaan ka mid noqoshada dowladda, balse taas bedelkeeda aysan dadaal nafeed iyo mid xooleed aysan u hureyn dib u hanashada kursiga dowladda ee ka maqan, Meesha taas bedelkeeda ay siyaasiyiinta reer Dhusamareb ay wax ku raadinayaan qaab aarnimo oo ay ku doonayaan iney xoogg ku soo dhacsanayaan xibinta ka maqan, hasayeeshee ay tilaabadaas taagta ku dhisan ay ku waayaan dad badan oo uga dhinta iyo hanti badan oo uga qasaarta dagaal ay la galaan dowladda si ay u soo ceshadaan kursiga uga maqan dowladda.

Doorashada lagu gelayo qof iyo cod meelna kama soo gasho xeerarka loogu tartamayo kuraasteeda nidaam ogolaanaya in cudud ama calaacal lagu helo kuraasta doorashada, balse waxey taas u baahan tahay kasbashada siyaasad u diyaarsan fahamka gedi socodka doorashada looga dhigayo mid xalaala oo la xaqiijiyo hubantida ku gadaaman suurtagelinta xuquuqda la xiriirta codbixinta oo ku dhameystiran degaan doorashada, kuwaas oo ay ka mid tahay in laga waantoobo in tiro badida dadka deegaanka aysan wax macno ah u lahayn doorashada, balse ay tahay tirada codeyneysa mida doorashada waxtarka weyn u leh, taasina waa dhibaatada haysata siyaasiyiinta reer Baydhabo oo mar kasta ku doodaya iney dad tiro badan metelayaan, laakiinse codbixinta aysan dadka intiisa badan aysan ka qeyb gelen, Sidoo kalana waxaan sidaas ka liidan goobta degaan doorashada oo aysan ku sugneyn dhamaan waxyaabihii looga baahna iney xaqiijiyaan in doorashada ay u dhacado si xora, xaqa, xalaala oo furan, waxeyna taasi tahay dhibaatada haysata siyaasiyiinya reer Dhusamareb oo rumeysan wixii xoog looga dhaco iney waran caaradiis ugu ciil baxayaan.

Dowladda Madaxweyne Hassan Sheikh Maxamud oo qorshaha siyaasadaheeda arrimaha guddah mudnaan gaar ahaneyd ku siineysa qabashada doorasho qof iyo coda waxaa la gudboon in codbixinta dadweynaha ay u dhacdo si aan ku saleysnayn dhibanesi beerdulucsi  ku dhisan iyo mida loo adeegsanayo taagta xoogga cududeed, waxeyna taas ku dhici kartaa marka si hubanti leh loo diyaariyo kaabayaasha xaqiijinaya in goobaha codbixinta ay u dhameystiran yihiin agab iyo hawlwadeeno rumeyn kara in doorashada ay u dhacdo si xora, xalaala oo xaq ah, haddiise aysan sidaas u dhicin waxey doorashadu noqon doonto mid magac u yaala oo ku dambeyneysaa dhiig ku data deegaanada doorashooyinka Bartamaha iyo cabashooyinka dhibaneyaasha reer koofureed.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

- Advertisement -