Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Iran & Wararkii ugu dambeeyey (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay, 24 kalena waa ay ku dhaawacmen qarax is-miidaamin gaari loo adeegsaday oo lagu qaaday xarunta booliska magaalo xeebeedka Chabahar ee koonfurta bari ee dalka Iran.

Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale werisay in rasaas ay ka dhacday goobta oo ku taalla gobolka Sistan-Baluchestan, oo ay ku badan yihiin muslimiinta Sunniga ah ee laga tirada badan.

“Saddex qof ayaa la dilay qaar kalena waa ay dhaawacmeen” waxaa sidaas yiri sii-hayaha barasaabka gobolka, Rahmdel Bameria oo la hadlay taleefishinka dowladda.

“Qofka is-miidaamiyey ayaa qarxiyey baabuurka markii uu yimid xarunta booliska” ayuu yiri.

Mohammad Hadi Marashi, oo ah ku-xigeenka barasaabka ee arrimaha amniga ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan laba sarkaal oo boolis ah.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan Balse, Bishii October, kooxda gooni u goosadka ah ee ka dagaalanta gobolka, Jaish al-Adl ayaa afduubatay 12 ka mid ah ciidamada ilaalada xuduudaha ee Iran, kuwaas oo ilaa hadda shan ka mid ah la sii daayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madasha Xisbiyadda Qaran Ma Guul Siyaasadeedbaa Mise Silcin Shacbi ?

Cabdi Cade

Prof. Dufle: “Sigaarku wuxuu sababaa kansarka Sambabada & cuduro kale oo halis ah”

Caydiid Ali

NATO oo ciidamada Jawaabta deg dega ah bixiya ku daabuleysa Bariga Yurub

Cabdi Cade
Taboola Ads ---