Ciidamada amaanka oo gacanta ku dhigay Rag dilal ka geestay Boosaaso (Daawo Sawirada)

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxa ay kusoo qab qabteen dhalinyaro lagu eedeeyay in ay dilal ka geesteen magaalada Boosaaso.

Taliyaha Booliska Puntland Jen. Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigaan afar nin oo uu xusay taliyaha in ay ka dambeeyeen dilkii habeen ka hor Boosaaso loogu geystay Ganacsade Salaad Cabdi Cukaash .

”Halkan waxaan kusoo bandhigaynaa raggii dilay marxuumkii ganacsadaha ahaa qorigii lagu dilayna waan haynaa ,maxkamadaa kala saari doonta hada waad maqleyseen sadex nin baa nin waxa uu leeyahay hebel baa dilay iyo hebel baa dilay laakiin nimankii kiiska galay iyo qalabka lagu galay waa kuwan aan hayno” Ayuu yiri Taliyaha.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo kala duwan ka wadeen magaalada Boosaaso kadib markii ay magaalada kusoo bateen dilalka qorsheesan ee loo geesanayo ganacsatada iyo ciidamada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -