Wasiir sheegay in dadka saboolka ah aysan jannada geli doonin !!

Wargeyska New Vision ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa soo xiganaya siyaasi sare oo leh “dadka masaakiinta ah jannada ma geli doonaan, sababtoo ah maalin kasta intaa waxay calaacal iyo eeedayn isugu darayaan Eebbe”.

Wasiirka arrimaha gudaha Kahinda Otafiire ayaa la sheegay in hadalladaas uu ka jeediyay munaasabad ka dhacday dugsiga Kyenjojo ee galbeedka Uganda, isaga oo dhanka kale u sheegtay ardayda in shaqada adag ay tahay daawada faqriga.

“Haddii aadan isticmaalin agabka Alle ku siiyay, ha eedeyn markaad faqiir tahay, ku dadaal inaad faqriga ka gudubto, waayo taajirnimadu waa ammaan” ayuu yiri.

Shaqo la’aanta dhalinyarada iyo shaqo la’aanta ayaa aad ugu badan dalka Uganda oo ay ku nool yihiin dadka ugu da’da yar caalamka, waxaana 75% muwaadiniinta da’doodu ka yar tahay 30 sano jir.

Xigasho: BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -