Mid kamid ah Wasiiradii uu Magacaabay Madaxweynaha K/Galbeed oo Caawa is casilay

Wareegto maanta kasoo baxday Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa lagu dhameestiray Golaha Wasiirada uu yeelanayo Maamulka uu hogaamiyo.

Xildhibaan Cabdisalaan Cabdulaahi Yalaxow (Catoosh) oo maanta loo magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ayaa caawa shaaca ka qaaday in uu xilkaasi iska casilay.

Wasiirka Is casilay oo sidoo kale katirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo la hadlay Shabakada Allbanaadir ayaa sheegay in uu is casilay kadib wadatashi uu la yeeshay waxgaradka iyo Siyaasiyiinta beesha uu kasoo jeedo.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Catoosh in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu balanta uga baxay , waxa uuna xusay in Waxgardka iyo Siyaasiyiinta beeshiisa ku qanci waayeen in Wasiir kuxigeen ka helaan Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.

”Waxaan kuu cadeeenayaa in aan iska casilay xilka Wasiir kuxigeenka uu Madaxweynaha galabta ii magacaabay, Madaxweynaha balamo horey ayuu noola galay waxa uuna noo sheegay in mar kale aysan dhici doonin cadaalad daro balse meesha ayuu kasii waday cadaalad daradii aan horey u tirsaneenay” Ayuu yiri Xildhibaan Catoosh.

Is casilaada Wasiirkan katirsanaa maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadeysa xili uu maanta Madaxweynaha maamulkaasi soo dhameestiray golaha Wasiirada, waxaana jira beelo badan oo saluugsan cadaalad darada uu sameeyay Madaxweyne Lafta gareen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -