Ciidamada AMISOM oo dhawaan ka baxaya Degmooyin katirsan Hirshabelle iyo Walaac…

Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Brundi ayaa la filayaa in ay isaga baxaan deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Ciidamada AMISOM ee ka baxaya deegaanada Hirshabelle ayaa la filayaa in ay dalkooda dib uga laabtaan, waxa ayna ciidankan sababta ay u baxayaan lagu sheegay Amar ka yimid Midowga Afrika oo ku aadan in Brundi kun askari ka dhinto ciidanka Soomaalia ka jooga.

Masuul katirsan maamulka Hirshabelle ayaa sheegay  in ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi ay ka bixi doonaan degmooyinka Cadale, Raage Ceelle iyo deegaanka Xaaji Cali oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in amaanka Degmooyinkan uu faraha ka baxo ayna Al Shabaab la wareegaan hadii aan la helin ciidamo kale oo bedela Ciidamada Burundi ee la filayo in ay ka baxaan.

Maamulka Hirshabelle ayaa horey u cadeeyay in walaac xoogan ka qabaan in ciidamada AMISOM ay ka baxaan deegaano iyo Degmooyin katirsan Shabeelaha Dhaxe, waxaana ciidamada gobolkaasi ka howlgala ee AMISOM la sheegay in dalla Brundi ka socdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -