Meydka Sridevi oo lagu gubay Mumbai & kumanaan ruux oo isugu soo baxay (Daawo Sawirro)

Jilayaasha ugu waaweyn Bollywoodka, fanaaniin iyo kumanaan taageerayaal ah ayaa maanta ka qeyb galay maamuus weyn oo loo sameynayey aktaradii caanka aheyd ee Sridevi oo meydkeeda lagu gubay magaalada Mumbai sida caadada u ah dadka hinduga ah ee ay ka soo jeeday.

Meydka aktarada oo xalay la geeyey Magaalada Mumbai ayaa lagu duubay calanka Qaranka India waxaana lagu gubay tacsi iyo baroordiiq dheer ka dib halka loo yaqaano Celebration Sports Club oo ku taalla Mumbai.

Sridevi oo ka mid aheyd jilayaasha ugu quruxda badan Hindiya ayaa waxaa la sheegay in geerideeda ay sabab u ahayd hafasho ay ku hafatay biyaha barkad ku dhex tiilay qolka qubeyska hotel Jumeirah Emirates Towers ee Magaalada Dubai oo ay deganayd ka dib markii ay cabtay khamri ka tan badan.

Baaritaan ay sameeyeen mas’uuliyiinta Dubai ayaa lagu sheegay in Sridevi ay barkadda qubeyska gashay iyadoo sarqaansan, sidaasi darteedna ay ku hafatay markii ay biyihii ka bateen.

Aktaradan iyo qoyskeeda ayaa Dubai u tagay si ay uga qaybgalaan arooska wiil ay ilmo adeero yihiin oo halkaas ka dhacay todobaadkii hore.

Sridevi Kapoor ayaa in ka badan 50 sano ku soo jirtay jilidda aflaanta hindiga waxayna ka qayb qaadatay illaa 300 oo filim, iyadoo ka mid aheyd jilayaasha aflaamteeda aadka loo jecel yahay.

Qoyskeeda ayaa markii la gubay ka dib qoraal rasmi ah oo ay soo saareen uga mahad celiyey qof walbo oo garab istaagay maalmihii ay xiliga murugada ku jireen.

“Maalmihii ugu dambeeyay waxay inoo ahayd waqti adag, weliba gaar ahaan maanta ayay noogu cusleyd, waxaan ku guuleysanay si nabad ah inaan Sridevi dhinaceeda dhulka u dhigno taasoo si dhaqsi  ah ifkan kaga tagtay, waxay ka tagtay dhaxal aan dhamaad laheyn, waxay laheyd xirfad aan la gaari karin, qurux aan dhamaad laheyn iyo awood ay dadka kula xariiri jirtay waxayna ahayd halyeey Hindiya iyo caalamka oo dhan ku weyneyd xirfad ahaanteeda” ayaa lagu yiri qoraalka.

         

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -