Faah Faahino kasoo baxaya dil maanta ka dhacay Xaafad katirsan Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa maanta Xaafada Kaawo Godey ee degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen nin la sheegay in halkaasi si weyn looga garanayay.

Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Abshir Muxudiin, waxa uuna ninkan halkaasi ku lahaa Maqaayad raashinka laga cuno sida ay sheegeen dadka deegaanka , waxaana dilka ninkaasi fuliyay kooxo biskoolado ku hubeesnaa.

Ciidamada amaanka gaar ahaan booliiska ayaa gaaray halka uu dilku ka dhacay, iyagoona baaritaano u galay ragii hubeesnaa ee dilka fuliyay oo la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsadeen markii ay dilka fuliyeen.

Wali lama oga cida ka dambeesay dilka maanta loo geestay Ganacsadahan ku sugnaa xaafada Kaawo Godey, mana jirto ilaa hada cid ka hadashay ama sheegatay masuuliyada dilkaasi.

Degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa kamid ah degmooyinka ugu amaanka xun magaalada Muqdisho, waxaana inta badan degmadaasi ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto shacab iyo ciidan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -