Farmaajo oo la sheegay in Xukunka Jaceylka uga dayanayo Hogaamiye Kaligii talis Caan ah

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhaleeceyn badan kala kulmay wadamada Caalamka ,kadib markii dowlada uu hogaamiyo sameesatay labo sano oo mudo kordhin sharci daro ah.

Agaasimaha Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch Kenneth Roth, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku dayanayo Madaxweynaha kaligiis taliska ee Eritrea Isaias Afwerki.

“Layaab malahan in madaxweynaha Soomaaliya Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo ay Galaha Shacabku u sameeyaan muddo kordhin hal dhinac ah oo laba sano ah xili uu u muuqdo inuu qaadayo wadada madaxweynaha dalka Eratariya Isaias Afwerki isla markaana xukunka haya muddo dheer kaas oo bilooyinkii ugu dambeyay ay noqdeen xulufo aad isugu dhow” ayuu ku yiri qoraalkiisa Kenneth Roth.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saaxiib dhaw la noqday Hogaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki , oo sanado badan talada dalkiisa xoog ku heesta, waxaana Farmaajo la sheegay in xukun jaceylka kaga dayanayo saaxiibkiis Afwerki.

Farmaajo ayaa markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya balan qaaday in afar sano kadib uusan xukunka kusoo laaban doonin kana shaqeyn doono in dalka ka dhacdo doorasho balse hada taasi meesha ka baxday uuna Farmaajo bilaabay xukun jaceyl .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -