Al Shabaab oo War kasoo saartay Weerar ay xalay kusoo qaadeen Ciidamo Mareykan ah

Al Shabaab ayaa ka hadashay weerar culus oo xalay ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah oo garab siinayay kusoo qaadeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose .

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ay fashiliyeen kana hortageen weerar ciidamo Mareykan ah xalay kusoo qaadeen Janaale, waxa ayna Shabaab sheegeen in dagaalyahano aad u hubeesan ciidankaasi ka hortageen.

Al Shabaab ayaa sheegtay in Banaanka Janaale dagaalyahano katirsan Al Shabaab uga hortageen ciidamo Mareykan iyo kuwa Soomaali ah oo kasoo degay Helicopero kuwaa oo doonayay in howlgalo ka fuliyaan gudaha Janaale.

Iska hor imaad xoogan ayaa lagu soo waramayaa in ay dhax mareen Ciidamada Huwanta ah iyo kuwa Al Shabaab, lamana oga wali khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka labada dhinac dhax maray.

Dhinaca kale Diyaarado dagaal ayaa duqeeyay goobo katirsan deegaanka Janaalne, waxa ayna Al Shabaab sheegeen goobaha la duqeeyay in ay dad shacab ah degnaayeen, lamana oga khasaaraha wali duqeynta ka dhalatay.

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo taliska ciidamada Mareykanka ayaan wali ka hadlin howlgalkan xalay ka dhacay Deegaanka Janaale, mana jiro ilaa hada war ka madax banaan warka Al Shabaab oo laga helay howlgalkaasi.

Ciidamada Kumaandooska Soomaalia iyo kuwa Mareykan ah ayaa howlgalo joogto ah xiliyada habeenkii ah waxa a ka fuliyaan deegaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ay maamulaan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -