Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dilal saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Sida ay sheegayaan Wararka laga helayo magaalada Muqdisho dilal kala duwan ayaa ka dhacay saaka laba ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dilka hore ayaa ka dhacay agagaarka dalcadda Cabdi Qaasim ee Degmada Hodan, iyadoo halkaasi ay koox hubeysan ku toogteen nin la sheegay inuu u shaqeeyo shirkada isgaarsiinta SOMTEL waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cabdi Maadhiin.

Kooxdii dilka gaysatay ayaa la sheegay inay degdeg uga baxsadeen goobta, waxaana markii danbe halkaasi tegay ciidamada amniga oo ka qaaday meydka qofka la dilay oo ahaa nin meel dhexaad ah.

Dhinaca kale waxaa saaka dil kale uu ka dhacay Xaafadda Baar Ubax, gaar ahaan Masjidka Xareed dhinaca suuqa bakaaraha, iyadoo halkaasi lagu dilay nin dhalinyaro ah.

Dilka ninkan ayaa la sheegay inay geysteen koox burcad ah oo dooneyay inay ka dhacaan Taleefan Mobile ah oo uu watay sida dad goob joogayaal ah ay sheegayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo war kasoo saartay weeraradii cuslaa ee xalay ka fuliyeen Muqdisho

Cabdi Cade

Booliiska oo Muqdisho ku qabtay Dilaa iyo Shabakado falal amaan daro fulin jiray

Cabdi Cade

Jubbaland oo beenisay musharaxiin hadlay & Trump oo dhigiisa France ku tilmamay doqon

admin
Taboola Ads ---