Goob Xaflad aroos ka socotay oo mar qura isku bedeshay dhiig iyo Murugo (Daawo Sawirada)

Qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay goob xaflad aroos ka socotay oo kutaala  magaalada Kabul ee caasimada dalka Afganistan, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

In ka badan 50-qof oo ku sugnaa goobta xaflada arooska ka socotay ayaa ku geeriyooday qaraxan xoogan, waxaa sidoo kale la sheegay in qaraxan ku dhaawacmeen dad ka badan 70-qof oo kale .

Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha gudaha Afganistan oo lagu magacaabo Najib Danish ayaa sheegay in qof qarax isku soo xiray weerar ku qaaday goob ay ka socotay xaflad aroos sidoo kale ka socotay munaasabad kale.

Goobta xaflada arooska ka socotay ayaa mar qura isku bedeshay goob dhiig badan dureero dad badana ku dhamaadeen, waxaana goobtaasi laga soo qaaday muuqaalo argagax badan dadka ku abuuray.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan dadka badan lagu laayay ee ka dhacay dalka Afgaanistan, waxaana inta badan qaraxyada dalkaasi ka dhaca fuliya kooxaha Taalibaan iyo Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -