Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Danjire Wafaa El-Fadil Saed oo laga gudoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga (Sawirro)

Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa El-Fadil Saed Abdelatef.

Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa lagaga wadahadlay dhowr qodob oo muhiim u ah labada dhinac.

Waxaa ka mid ah qodobadaas sare u qaadidda iskaashiga mira-dhalka ah iyo xoojinta wadashaqaynta xooggan ee  Soomaaliya kala dhexeeya Qaramada Midoobey iyo hay’adaheeda gaarka ah si loo gaaro ujeeddada la hiigsanayo oo macno wax ku ool ah ku leh dano wadaagga.

Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) ayaa ka mid ah heyadaha sida joogtada ah uga shaqeeya gudaha Soomaaliya.

Related posts

Lamaane faqiir ahaa oo hal maalin ku taajiray iyo sida nasiibka u saaciday !(Sawirro)

Cabdi Cade

Kursigii Fahad Yaasiin iyo Kuraas kale oo horey loo hakiyay oo goordhaw la fasaxay

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo la kulmay Aline Kuster iyo Wefti ay hoggaamineysay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---