Fashil heesta Maamulka Hirshabelle iyo cida Sababta u ah (Akhriso)

Inta badan waxaa joogto ah isku Shaandheenta Golaha Wasiirada, Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, inkastoo aan weli la maqlin Mooshin laga keenay Madaxweyne ku-xigeenka, waxa ay tani Calaamad u noqotay dib u dhaca iyo Hormar la’aanta ka jirta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Hirshabeelle halka ay ku taalo waa Deegaan leh Kheyraad kala duwan, dadka ku midoobay Maamulkaan waxaa hortaagan Madax ay ka xumaatay Hoggaamintii ay ballan qaadeen markii la dooranayey,waxaana dabeysha raacay hayaankii Siyaasadeed, taasina waxa ay dhaxal siisay Cabasho joogto ah oo ka imaaneyso Xildhibaanada iyo Wasiirada oo Waayey Mushaaraadkii ay lahaayeen.

Amaankii ayaa culees ka jira, si caadi ah wey adagtahay in loo safro iyadoo Degmooyinka ay kala xirinyihiin, waxaana adag in ay isku gudbaan, taasi oo Jirto ayaa Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeele waxa ay ku Mashquulsantahay Dhismaha Goloyaasha Deegaanka oo loo sameenayo Degmooyinka ay ka koobantahay Hirsabeelle.

Tani waa mid fiican laakiin waxaa ka horeysa in laga Shaqeeyo Amniga, Dhab-U-Hishiisiin loo sameeyo beelaha oo weli Saluugsan Nidaam Dhismeedka Hirshabeelle, waxaana hadda socda Shaqo keeni karta Isku dhaca Beelaha.

Xagee dhibka ka Jiraa?

Waa Su’aal u baahan in la fahmo halka uu Salka ku haayo dhibka joogtada iyo qalqalka Siyaasadeed ee mar walbo ka jiro Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladda Hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa u muuqdo mid doonayo Fulinta Mashruuca Dhismaha Goloyaasha Deegaanka waxaana jirta Lacag loogu talagalay in lagu qabto Howshaasi. Haddii ay tahay kaliya Fulin Mashruuc Qiimaha Dhismaha Golaha Deegaankana ay kala weyntahay Qarashaadka laga helaayo waxaa Talo ahaan u soo Jeedinayaa.

1. Dhismaha Golaha Deegaanka waa mid Fiican oo keeni kara Hormar ay gaaraan Degmooyinka loo dhiso, laakiin hala marsiiyo Nidaamka uu ku ansaxmayo.

2. In Xoogga la Saaro Amniga si loo helo Isku Socodka Degmooyinka laga hirgalinaayo Dhismaha Golaha Deegaanka.

3. In la sameeyo Cilmi Baaris dhab ah taas oo ku saleysam sida deegaanka loo kala leeyahay.

4. In la qabto Aragti Waddaag ku Saabsan Shirka Daahfurka Dhismaha Goloyaasha Deegaanka si dhab ah loo dhaqan galiyo waxa ka soo baxa. Barnaamijka Dhismaha Golaha Deegaanka Haddii loo maro Wadada Saxda ah waxaa laga helayaa Mashaariic badan oo ay ka mid tahay Dhismaha Waddooyinka, Goobaha Caafimaadka, Waxbarashada,Dhismaha Xarumaha Dhalinyarada,Kobcinta Ganacsiga sida Dhismaha Suuqyo kala duwan, Garoomada Kubadda Cagta iyo Hagaajinta iyo Qaabeynta Hab dhismeedka Degmooyinka.

Gebogebo. Go’aan walbo waxaa lagu dhaqaaqaa fulintiisa Xilliga loo baahanyahay in laga Faa’iideysto si looga dhabeeyo hadafka iyo Ujeedka la rabo in la gaaro, waxaa hubanti ah, haddii loo maro wado sax ah iyada oo laga fogaanayo Caadifad iyo Nin Jecleysi in la dhisi karo Golo Deegaan oo waxtar u leh Degmada Nasiibka u heshay in loo dhiso.

W/Q Cabdiraxmaan Diini

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -