Nin dad ku laayey Masaajid ku yaalla Canada oo xukun adag lagu riday (Daawo Sawirro)

Maxkamad ku taalla dalka Canada ayaa xukun adag ku riday Nin u dhashay dalkaas oo masaajid ku yaalla magaalada Quebec ku dilay dad ku cibaadeysanayay sanadkii 2017-kii

Alexandre Bissonnette oo 29 sano jir ah ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, waxaana suuragal ah in afartan sano kadib damaanad lagu soo daayo sida maxkamadu sheegtay.

Waxaa lagu xukumay 150 sano oo xabsi ah taasoo ah xukunkii ugu adkaa ee laga fuliyo dalka Canada.

Markii xukunka lagu ridayay madaxa maxkamadda ugu sareysa dalkaasi ayaa sheegay in ciqaabta aysan noqon mid aargoosi ku saleysan”.

Dad badan oo ka mid ahaa dadkii ka badbaaday weerarka ayaa ka careysan sida uu xukunka u dhacay, iyagoo doonayey in ninkan dil lagu xukumo.

Ninkan ayaa qirtay inuu weerarkii masaajidka ku dilay Khaled Belkacemi 60 jir ahaa, Azzedine Soufiane 57, Abdelkrim Hassane 41, Mamadou Tanou Barry 42, Aboubaker Thabti 44, iyo Ibrahima Barry 39 jir ahaa kuwaasoo ka mid ahaa dadkii ku cibaadeysanayey Masjidka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -