Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Itoobiya oo Go’aan adag ka qaadatay Sigaarka iyo Khamriga

Dowlada Itoobiya ayaa go’aan ka qaadatay sigaarka lagu dhax cabo goobaha ay bulshada isugu timaado iyo sidoo kale Khamriga laga xayeesiiyo Warbaahinada kala duwan ee dalkaasi ka jira.

Aqalka wakiilada dalka Itoobiya ayaa kulan xasaasi ah ay yeesheen waxa ay ku meel mariyeen in sigaarka aan lagu dhax cabi karin goobaha dadweynaha isugu yimaadaan sida Isbitaalada oo kale.

Sharciga cusub ay meel mariyeen Aqalka Wakiilada dowlada Itoobiya ayaa mamnuucaya in sigaar lagu cabo meel u jirta 100 Mitir xarumaha caafimaadka, goobaha dadka ay isugu yimaadaan iyo goobaha shaqada.

Waxaa sidoo kale sharciga cusub ee laga meel mariyay dalka Itoobiya mamnuucayaa in Warbaahinta kala duwan ee dalkaasi laga xayeesiiyo  qamriga iyo in sidoo kale laga iibiyo qamriga dad ka yar da’da 21-sano.

Isticmaalka Qamriga iyo sigaarka ayaa dhibaato badan ku haya dhalinta soo koreysa ee dalka Itoobiya, waxa ayna dowlada hada dooneysaa in gabi ahaan laga mamnuuco sigaarka in lagu dhax xabo goobaha bulshada isugu timaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tiro Madaafiic ah oo goordhaw lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Cabdi Cade

Puntland & Jubaland oo isku qilaafsan sida loo wajahayo Farmaajo & Mucaraadka oo..

admin

Toogasho dad badan lagu dilay oo ka dhacday dalka Mareykanka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---