Tiro Madaafiic ah oo goordhaw lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Waxaa goordhaw tiro madaafiic ah lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, waxaana madaafiicda qaar la sheegay in ay ku dhaceen xaafado dad shacab ah degan yihiin.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay ilaa sadex madfac in ay kusoo dhaceen agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana mid kamid ah madaafiicda ku dhacay xaafada Kaambada oo ku dhegan Xarunta Taliska Booliska ee Commando Polizio

Madaafiicda lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegay in mid kamid ah uu ku dhacay meel ku dhaw xarunta Safaarada Itoobiya oo ku dhax taala xarunta Madaxtooyada Soom aaliya.

Wali lama oga kahsaaraha ka dhashay madaafiicdan goordhaw lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay taliska booliiska oo ku aadan madaafiicdan lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -