Toogasho dad badan lagu dilay oo ka dhacday dalka Mareykanka (Daawo Sawirada)

Nin hubeesan ayaa lagu soo waramayaa in toogasho uu dad badan ku dilay ka geestay xarunta dowlada hoose magaalada Virginia Beach ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in toogashada uu geestay nin careesan oo katirsanaa shaqaalaha wakaalada korontada , ninkan ayaana dhismaha dowlada ka geestay toogasho aan kala sooc laheyn sida booliiska sheegeen.

Toogashadan waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay 12-qof oo ku sugnaa xarunta la weeraray ,waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dhowr qof kale oo qaarkood lasoo sheegayo in ay qabaan dhaawacyo culus.

Ciidamada booliiska ayaa toogasho ku dilay ninka weerarka ka dambeeyay oo magaciisa lagu sheegay DeWayne Craddock oo 40-sano jir ahaa, walina lama oga sababta ninkan ku kaliftay weerarka uu dadka badan ku dilay.

Dalka Mareykanka waxaa mararka qaar ka dhaca toogashooyin ay fuliyaan dad careesan oo xaalado kala duwan lasoo darsaan, waxaana toogashada dalkaasi ka dhaca sababo looga dhigaaa hubka ay dadka shacabka heesaan  .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -