Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Daawo Sawirada: Ciidamo Cusub oo loo diyaariyay in ay la wareegaan Amaanka magaalada..

Ciidamo cusub oo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa tababar loogu soo xiray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxaana ciidankan cusub loo diyaariyay in ay si buuxda ula wareegaan amaanka magaaladaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Bashiir Maxamed Cabdi “Ameerica” ayaa tababar u soo xiray in kabadan 300 oo Askar oo kamid noqonaya Ciidanka Booliska, waxa ayna ciidankan ka howlgalayaan gobolka Gedo.

Ciidankan cusub ayaa la sheegay in dhowr bil u socday tababar xirfadooda sare loogu qaadayay, waxa ayna ciidanka si buuxda ula wareegayaan amaanka magaalada Garbahaarey  oo horey u joogeen ciidamo Milatari bah.

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa u balan qaaday ciidankan cusub ee usoo biiray booliiska in ay heli doonaan xaquuqdooda, waxaana ciidankan lagula dar daarmay in ay kasoo baxaan waajibka shaqada lagu aaminay ayna dhooraan sharafta Booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kursigii Fahad Yaasiin iyo Kuraas kale oo horey loo hakiyay oo goordhaw la fasaxay

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) RW Rooble oo kulan deg deg ah isugu yeeray Saraakiisha laamaha amniga

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo degmada Maxaas

Cabdi Cade
Taboola Ads ---