Miino aan qarxin oo laga soo saaray Xaafad ka tirsan Kismaayo (Daawo Sawirro)

Ciidanka Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa shaaciyey iney fashiliyeen miino la doonayey in qarax looga geysto magaalada Kismaayo.

“Waaxda ka hortagta walxaha Qarxa ayaa fashiliyay soona saaray miino ay argagixisadda Al-Shabaab geliyeen xaafada Via-Afmadow Waaxda Buula-fatuuro” ayaa lagu yiri war kooban ka soo baxay taliska ciidanka NISA ee Juballand.

Warka ayaa lagu sheegay in miinadan la damacsanaa inshacabka lagu dhibaateeyo balse laga hortagay.

Ciidamada Jubbaland ayaa horey sidan oo kale marar badan u soo bandhigay miinooyin ay fashiliyeen oo lagu aasay gudaha iyo hareeraha magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -