Xasan Shiikh & Wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Belad-Weyne (Daawo Sawirro)

Wafdi uu horkacayo Madaxweynihii hore ee Somalia Hassan Sheikh Mohamud ahna guddoomiyaha  Midowga Nabadda & Horumarka ayaa gaaray magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan

Wafdigan ayaa qeyb ka ahaa qaar ka mid ah golaha fulinta ee xisbiga, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka Ugaas Khaliif mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne, dhallinyaro, Haween, Odayaal iyo xubno kale.

Xubnaha la socday Xasan Shiikh oo uu ka mid ahaa Wasiirkii hore ee amniga gudaha dowlada Somalia Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa masuuliyiinta soo dhoweeyey waxaa horkacayey Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Wafdiga xisbiga UPD ee uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga Hassan Sheikh Mohamud ayaa mudada ay ku sugan yihiin magaalada Baladweyne waxa ay kulamo kala dhuwan la yeelan doonaan bulshada qeybaheeda kala duwan, odayaasha iyo waxgaradka magaalada iyo sidoo kale Ugaaska guud ee degaanka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Xasan Shiikh oo dhowaan ku soo laabtay dalka tan iyo markii 2 sano ka hor looga adkaaday doorashada ayaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka waday magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -