Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Howlgal qorsheesan ku dilay Cabdi Xasan Deer

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen nin ay ku sheegeen in uu kamid ahaa saraakiisha kooxda Al Shabaab.

Saraakiisaha ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ciidanka ka fuliyeen degaanka Shaam Gare oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen Cabdi Xasan Deer oo katirsanaa saraakiisha Al Shabaab ee ka howlgala Shabeelaha Hoose.

Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidanka milatariga oo la hadlay warbaahinta dowladda in sargaalkan la dilay uu caan  ka ahaa gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna ku eedeeyeen in dhibaato ku hayay shacabka kunool Shaam Gare iyo deegaano kale.

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa marar badan howlgalo ay ka fuliyeen deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ku dilay xubno katirsan Al Shabaab, waxa ayna saraakiisha ciidanka hada sheegeen in howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab sii wadayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -