Labo Diyaaradood oo isku dhacay iyo Khasaaro dhimasho oo ka dhashay (Sawirro)

Labo diyaaradood oo nuuca loo yaqaan Helicopter-ka ayaa maanta iskula dhacay dalka Austarliae xilli ay duulayeen, waxaana shilkaasi diyaaradeed ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay shilkan diyaaradeed waxaa ku dhintay afar qof halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale, dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay qabaan dhaawacyo culus oo lala tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Shilkan diyaaradeed ayaa dhacay meel ku dhow barxadda xeebta Golden Coast , waxaana goobta shilku ka dhacay aheyd meel aad u mashquul badan xilliyadan oo kale oo lagu jiro bilowga sannadka cusub.

Taliyaha badbaadada gaadiidka ee Australia, Angus Mitchell ayaa sheegay in ay ka xun yihiin shilkan diyaaradeed ee dhacay , waxa uuna sheegay taliyaha in la bilaabay baaritaano ku aadan shilkan iyo waxa sababay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -