Mid kamid ah Taliyaasha saldhigyada booliiska Muqdisho oo la xiray

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay taliyihii saldhiga booliiska degmada Xamar Weyn ee gobolka Banaadir Gaashaanle Dhaxe Siciid Cumar .

Xariga taliyaha ayaa la sheegay in salka ku heyso qaraxiii xooganaa ee shalay ka dhacay Baar ku dhaw Xarunta Ganacsiga ee Miuqdisho Mall sidoo kale aan ka fogeyn saldhiga booliiska Xamar Weyne.

Xarunta dambi baarista CID-da ayaa la sheegay in lagu xiray taliyaha iyo ciidamo kale oo katirsanaa booliiska saldhiga Xamar Weyne, waxaana wax laga weediinayaa sida gaariga qarxay ugu gudbay koontarool laga galo goobta uu qarxa ka dhacay.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan xirtay saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska Nabad sugida oo lagu eedeeyay in ay kasoo bixi waayeen shaqadii laga rabay halka kuwa kalana lagu tuhmay in ay fududeeyeen qaraxyo dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -