Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Afisiyooni iyo qodobka ugu adag ee wali la isku hayo

Waxaa maalintii afaraad teendhada afisiyooni ee magaalada Muqdisho ka socda shirka looga hadlayo arimaha doorashada Soomaaliya ee u dhaxeeya Madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka .

Shirkan oo galay jawi xasaasi ah waxaa gudoominaya Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana madaxda shirka u socdo lagu soo waramayaa in ay qodobo badan ka heshiiyeen halka kuwa kalana wali isku hayaan.

Waxaa la filayay shirka in shalay kasoo baxaan natiijooyin hor dhac ah lana shaaciyo qodobada lagu heshiiyay, hasa ahaatee culeesyo iyo khilaafaadyo wali taagan ayaa dib u dhigay in shirka go’aano kasoo baxaan.

Sida aan xogta ku helnay qodobka ugu adag ee shirka hada hareeyay walina aan laga heshiin ayaa noqotay arinta gobolada Waqooyi gaar ahaan cida maamuleysa doorashada xildhibaanada labada aqal ku matalaya gobolada Waqooyi iyo halka lagu qabanayo.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaana ku kala aragti duwan cida maamuleysa doorashada gobolada Waqooyi iyo waliba magacaabista guddiga doorashada .

Waxaa socda hada dadaalo lagu qancinayo siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ay kala hogaaminayaan Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka si xal looga gaaro khilaafka ka taagan arinta gobolada Waqooyi.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in labada qodob ee shirka ugu adag saameyna ku yeelan kara ay yihiin arinta gobolada Waqooyi iyo arinta gobolka Gedo oon wali iyana xal laga gaarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -