Ciidanka Kenya oo qorsheynaya inay burburiyaan xarumo kale oo ay leedahay Shirkadda Hormuud

Col. Aadan Axmed Rufle oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ciidanka Kenya inay wadaan dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay ku doonayaan iney mar kale ku burburiyaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuuud ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

Aadan Rufle ayaa tilmaamay inay heleen xog ku aadan qorshe ciidamada Kenya ay ku burburinayaan xarumo hor leh oo ay leedahay shirkaddaasi.

“Maleeshiyaad lagu soo tababaray gudaha Kenya gaar ahaan dhulka Soomaalida ee NFD ayaa la keenay bilowgii bishii January degaanada Dhoobley iyo Afmadow, kuwo Wajeer laga soo soo wareejiyeyna waxay hadda ku sugan yihiin degmada Ceelwaaq Kenya, waxay qorsheynayaan sida aan xogta ku heleyno iney jaraan xarunta Hormuud ee isku xirta Ceelwaaq iyo B/xaawo oo isku jira 180-km, si loo barakiciyo dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool, dhaqaale ahaan maadaama ay ku tiirsan yihiin Isgaarsiinta” ayuu yiri Col Rufle oo xusay in ciidamada Kenya ay horey u burburiyeen xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud taasoo uu buu yiri curyaamisay dhaqaalaha kumanaan Soomaali ah oo isticmaali jiray lacagaha telefanada lagu shubto.

Waxaa uu sheegay in qorshaha ciidamada Kenya ku burburinayaan xarumaha shirkadda Hormuud ee jubooyinka iyo Gedo uu qeyb ka yahay dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka gobolada jubooyinka iyo Gedo ee ku nool meelaha u dhow xadka.

“Ciidamada Kenya waxay mar walba duulaan ku ahaayeen nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed, sida burburinta shirkadaha Isgaaasiinta. xawaaladaha, leynta xoolaha nool oo marna ay dayuuraddo ku duqeeyaan marna rasaas ku furaan, jarida dhirta iyo dhoofinta dhuxusha iyo weliba dhibaatooyin kale oo aan la soo koobi karin” ayuu yiri sarkaalkan.

Col. Rufle ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe lagu soo dhoweeyo laguna qaabilo Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji, wilkiisa oo sarkaal ah iyo Cali Bilow Qorane oo ka tirsan masuuliyiinta gobolka W/bari Kenya, kuwaasoo uu sheegay iney masuul ka yihiin dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gedo iyo Jubooyinka.

Waxaa uu ugu dambeyn ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka war heyso, kana hortagto dhibaatooyinka cusub ee ciidamada Kenya la damacsan yihiin xarumaha Hormuud, kalana xisaabtanto dowlada Kenya dhibaatooyinkii ay horey u geysteen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -