Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duqa Muqdisho oo ka laabtay Xil ka qaadis uu ku sameeyay Gudoomiye Degmo! (Ogow Sababta)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ka laabtay xil ka qaadis uu horaantii bishii November ee sanadkan ku sameeyay Gudoomiyihii degmada Howl Wadaag Cabdikariin Cali Kaar.

Digreeto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii degmada Howlwadaag Cabdikariin Cali Kaar, waxaana Yariisow Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag u magacaabay Mahad Cabdi Caraale.

Xil ka qaadista uu Gudoomiyaha gobolka ku sameeyay Mr Cali Kaar ayaa la sheegay in uu muran ka dhashay, waxaana dacwo arintan la xariirta loo gudbiyay Ra’isul Wasaare  Kheyre oo ku amray Eng Yariisow in uu ka laabto xil ka qaadista iyo magaabista uu sameeyay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa la sheegay in markii dambe uu ka laabtay xil ka qaadistii uu ku ameeyay gudoomiyaha degmada Howlwadaag, waxa uuna Yariisow faray in gudoomiyihii Degmada Cabdikariin Cali Kaar uu shaqadiisa sii wato.

Magacaabista iyo xil ka qaadista uu sameeyay Duqa Muqdiho ayaa la sheegay in uu ku qancinayay Xildhibaano saaxiib dhaw la, ah, hasa ahaatee arintan ayaa fashil ku timid kadib markii uu soo faro galiyay Ra’isul Wasaare Kheyre.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tan iyo markii xilka la wareegay xil ka qaadis ku sameeyay qaar kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana wali aan xilka laga qaadin Gudoomiyaal dhowr ah oo lasoo shaqeeyay Duqii Hore Taabit.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdikariim Axmed Mooge oo loo doortay Duqa magaalada Hargeysa

Cabdi Cade

Nin hubeysan oo dad ku laayey Jaamacad ku taalla Mareykanka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasaarada Amniga oo liis dheer ka diyaarisay ganacsato dhaqaale ku taageerta Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---