Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynihii hore ee Somalia oo Nairobi kula kulmay Wasiiro & xildhibaano ka tirsan dowlada (Daawo Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo halkaas kula kulmay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee dowlada.

Waxaa  ka mid ah xubnaha uu halkaas kula kulmay Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Cabduqaadir Cali Cumar, Xildhibaan Abshir Bukhaari ahna Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo sidoo kale Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka yimid dalka Tanzania halkaasoo ay degan yihiin isaga iyo qoyskiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa wararka aan heleyno waxay sheegayaan inuu maalmaha soo socda gaari doono dalka Jabuuti oo uu uga qeybgelayo shir lagu qabanayo.

Waxaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay Nairobi uu la kulmi doonaa Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo ku sugan Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Dhuusomareeb iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Maxaa keenay in Xisbiga Wadajir uu ka baxo Madasha Asxaabta Mucaaradka?

Caydiid Ali

Soomaaliya oo ka mid noqotay Dalalka sida wayn u horumaray dhinaca Miisaaniyadda furfuran iyo hufnaanta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---