Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo maanta Shir guddoomiyey Shirka Amniga Qaranka (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka  iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Waxaa ka qeyb galay Shirka Amniga Qaranka Ra’iisul wasaare ku xiggeenka Soomaaliya Madaxda Dowlad Goboleedyada, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiiro iyo Lataliyeyaal Arimaha amniga iyo doorashooyinka.

Shirka Amniga Qaranka oo galay maalintii labaad ayaa looga hadlay arimo muhiim ah oo ay kamid yihiin hanaanka ay u dhaceyso doorashada dalka sanadka 2020 iyo dib u eegista la doonayo in  lagu sameynayo Dastuurka dalka u yaala .

Golaha Amniga Qaranka ayaa tan iyo markii lagu dhawaaqay isugu yimid shirkii lixaad , waxaana la filayaa gabo gabadan shirkan in laga soo saaro War Murtiyeed ay isku raacsan yihiin dhinacyada shiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Mareykanka oo ku hanjabay in uu burburin doono dhaqaalaha Turkiga hadii…

Cabdi Cade

Xog Xasaasi ah oo ku aadan kulan qarsoodi ah oo dhax maray Xasan Sheekh iyo Laftagareen

Cabdi Cade

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddi cusub iyo shaqadooda oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---