Maamulka SSC Khaatumo oo war ka soo saaray dagaaladii saaka ka dhacay Maraaga

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo uu weheliyo, Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka ayaa kulan degdeg ah la qaatay Isimmada Dhaqanka iyo Waxgaradka Deegaannada SSC-Khaatumo

Kulanka ayaa ugu horreyn Tacsi loogu diray dadkii wax ku noqday shaqaaqadii saaka ka dhacday Maraaga.

Hoggaamiya ayaa Ilaahay ugu baryey in intii ku dhimatay Ilaahay naxariistii Janno ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna Eebbe u booga-dhayo.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in ay nasiibdarro tahay in shaqaaqo noocaas ah ay ka dhacdo deegaanka, isagoona ballanqaaday in si adag loola xisaabtami doono cid kastoo masuul ka ahayd dhibta dhacday.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Maamulku fulin-doono go’aankii uu ka soo saaray arrimaha hubka iyo gaadiidka dagaalka la xidhiidha.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha, Hoggaamiye ku xigeenka, Isimmada Dhaqanka iyo Waxgaradka deegaanka ayaa kulanka kaga wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen muhiimadda nabadda, adkaynta difaaca, dhismaha iyo taageerada Maamulka SSC-Khaatumo.

- Advertisement -