Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jen. Itoobiyaan ah oo la wareegay xilka taliyaha Ciidamada AMISOM (Daawo Sawirro)

Lt. Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa si buuxda ula wareegay xilka taliska guud ee ciidamada AMISOM, ka dib muddo dheer oo Itoobiya ay ka caga jiideysay inay xilkaasi qabato.

Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn oo in ka badan 30 sano ku jiray ciidamada Itoobiya ayaa qabtay xilka taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya xaflad ka dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaan goobjoog ka ahaa wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, ku xigeenkiisa iyo saraakiisha qeybaha AMISOM ee Soomaaliya.

Jananka Itoobiyaanka ayaa xilkan kala wareegay Jen Jim Beesigye Owoyesigire oo hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2018.

Itoobiya ayaa horey shuruudo adag ku xirtay inay qabato taliska AMISOM, waxaase hadda jira isbedel ku yimid hoggaanka Itoobiya oo meesha ka saaray arrimahaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee maanta looga ciiday Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland? (Sawirro)

Caydiid Ali

Hogaamiye Mareykanku madaxiisa dul saaray malaayiin Dollar oo gaaray Sacuudiga

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo la kulmay Axmed Bin Maxamed una mahadceliyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---