Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Al-Shabaab oo caawa weerartay degmada Balcad & Wararkii ugu dambeeyey

Dagaal ayaa caawa ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe kaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo Xoogag taabacsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid ka dib markii Xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen bar kontrol oo ciidamada dowladu ku leeyihiin duleedka degmadaas gaar ahaan wadada u baxda magaalada Jowhar.

Dagaalka oo socday muddo saacad ka badan ayaa la isku weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo shacabka degmada Balcad ay sheegeen iney maqlayeen qaraxyo waaweyn iyo tacshiirad culus.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan degmada Balcad waxaa dagaalku uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac inkastoo tirakoob sax ah aan laga heynin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad uu ku jiro wadaad caan ah oo lagu laayay Gaalkacayo

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oon si nabad ah ku wareejin doonin xilka hadii laga guuleesto

Cabdi Cade

Xukuumada Somalia oo War ka soo saartay go’aankii ka soo baxay Maxkamada ICJ

Caydiid Ali
Taboola Ads ---